Pages

30 August 2012

URRURADA QURBAJOOGA SOMALILAND BAYAANKA OGOST 2012

URRURADA QURBAJOOGA SOMALILAND
BAYAANKA OGOST 2012
_____________________________________________
 

DATE:  27 AUGUST 2012             

BAYAAN-KA OGOST 2012 


Somaliland: Waxa aanu leenahay Dastuur iyo Madax aanu Dooranay

Somalia waxay 1dii Ogost 2012 qaateen “Dastuur ku Sima ah (Provisional Constitution)”, dabayaaqada bishan Ogost-na waxa lagu wadaa in dawlad cusub looga unko Muqdisho(Xamar). Haddaanu nahay qurba jooga reer Somaliland waxaanu si aad ah uga xunahay in dadka Somalia walli  isku mashquulinayaan yab-yabidda “Dastuuro” iyo “dawlado” ku andacoonaya in Jamhuuriyadda Somaliland qayb ka tahay in kastoo ay  sida cad-ceeda ugu cadahay cidkasta in, lagasoo bilaabo 1991-kii,  dadka Somaliland  ka abuureen dalkooda nabad ayna berri hore sameysteen  Dastuur iyo nidaam dawladeed oo diimuquraadi ah oo ah madaxweyne iyo baarlamaan la soo doortay.  Anagoo u rajaynayna in dadka Somalia ay helaan nabadda iyo xasilloonida ilaa hadda ay raadinayaan,   waxaanuse ku guubaabineynaa iyaga iyo beesha caalamka in ay ku qancaan oo ixitiraamaan  go'aanka aan ka noqoshada lahayn ee ay ummadda Somaliland kula soo noqdeen madax- banaanidoodii May 1991kii. Waxaanu si cod qayaxan, marlabaad iyo saddexaadba, ku leenahey, “waxaanu nahay dad dastuurkoodii, dawlad iyo golayaal  la soo doortayba leh, waxba isuguma keen jiraane intiinu – hadaad dadka Somalia tihiin – haydinku fillaato oo ilaahay haydiin barakeeyo: kala quusanee aan kala qomomo la’aano”.

Dastuuradii lagu falkay Xamar- 1961-1979

Iyadoo reer Somaliland hiigsanaya ka midho dhalinta riyadii “Soomaaliweyn” ee dadka reer Somaliland 1960-kii ku jirtay, ayeey qaranimadoodii iyo Dastuurkoodii u horeeyay (ee 1960kii) u sadqeeyeen si ay iskugu keenaan shantii deegaan ee dadka Somalida ahi daganaayeen, oo ay aqbaleen Dastuurkii reer Somalia samaysteen iyagoon, haba yaraatee, wax talo iyo arina midnanaba kulahayn. Markii aftidii loo qaadey  20 Juun 1961, dadka reer Somaliland intii codaysay aqlabiyad balaadhan bay ku diideen Dastuurkaas, taasi oo  cadeeysay qoomammadii dadka reer Somaliland ka qabeen isu-taggii Somalia ee ay ku degdegeen.  Dastuurkaa waxa laalay afgambigii ciidanka ee 1969kii, waxaana lagu badalay  Dastuur kale oo uu Kalitaliskii Siyad Barre Xamar ku sameeyey 1979kii oo 25 Ogost 1979, oo afti Kalitaliskii abaabuley lagu ansixiyay.

Geedi Socodkii Dastuurkii 2aad ee Jamhuuriyadda Somaliland (1991-2001)

Muddo dheerba ka hor intaan Kalitaliskii milatariga ahaa soo afjarmin 1991kii, waxa cadaatay in riyadii ahayd middeynta dhammaan shanta deegaan ee Somalidu degto ay  ahyduun riyo dhalanteeda.  Kadib dagaalkii arxanka daradda ahaa ee Kalitaliskii Siyaad Bare ku qaaday dadka reer Somaliland  sanadihii  1980kii ilaa intii laga ridayay Kalitaliskii 1991kii, beelaha Somaliland waxay Maayo 1991kii  isugu yimaadeen shirweyne  oo  ay ku go'aansadeen inay qaranimadoodii ay lumiyeen July 1960kii dib ula soo noqdaan. Dadka reer Somaliland iyo Madax Dhaqmeedkooduba waxay u tusmaysteen toobiye dheer oo lagu turxaan bixinayo colaaddii beelaysnayd ee laga dhaxlay kalitaliskii; dadaaladaas oo sidoo kalena dhidibada loogu taagay haykal dawladnimo oo Somaliland dib u yeelato. Sameynta Dastuurka Somaliland wuxuu yimid kadib markii howlaha dib u heshiisiinta si dheer oo hagar li’ah loogu hawlgalay. Dajinta Dastuurku waxay soo martay saddex marxaladood oo isdaba yaala: Axdi Qarameedkii oo ay ansixiyeen shirweyne gaar ahi 1993kii, oo uu ku xigey ansixintii Dastuurkii ku Simaha ahaa ee 1997kii iyo ugu dambayntii Dastuurkii oo la ansixiyey 2000kii, laguna hirgaliyey Afti Qaran oo la qaaday 31kii Meey 2001.

Somaliland waxa kalooy samaysatay hab-maamul dimuquraadi ah oo waxa si guul leh loo qabtay tan iyo 2002dii, laba doorashooyin madaxwayne, iyo doorashooyin Barlamaan iyo Dawladaha Hoose, oo dhammaantood goob jogayaashii caalamiga ahaa ku tilmaameen kuwo  xor iyo xalaal ah. Imika dalka Jamhuuriyada Somaliland waxa kusoo fool leh doorashooyinkii Dawladaha Hoose, oo sagaal xisbiyo/ururo siyaasadeed si xawli ah iskugu diyaarinayaan inay ka qayb qaataan bisha Nofember ee sanadkan 2012.
   
“Walaf aan wadkaa helin waan ka waantoobi, waa war loo noqon”: Dastuuradii iyo Axdi Qarmeedadii reer Somalia (2000-2012)

20kii sanno ee ugu dambeeyay, beesha caalamku waxay u gogol dhigtay shirar badan oo ujeedadoodu ahaayeen in lagu heshiisiiyo reer Somalia, dawladna loogu dhiso. Abid Somaliland midna shirarkaas kama qayb galin.  Ayadooy sidaas tahay, ayaa laba kamida shirarkaas loo qabtay Somalia (kii Jibuuti 2000 iyo kii Kiiniya 2004), waxay reer Somalia markii ay Axdi Qarameedyo ku meel Gaadh ah samaysteen si badheedha isaga indhatireen  jiritaanka iyo talada hayadaha dawliga ah ee Somaliland (ha ahaadaan xisibiyada qaranka, iyo madaxweynaha iyo golaha wakiilada ee ummaddu soo dooratay) ee dhisidooda  dadka reer Somaaliland kusoo dadaaleen muddada dheer. Dadka reer Somalia ee shirarkaas isku dubaridey iyo kuwii beesha caalamka ahaa ee dabada ka riixayayba waxay labaduba go'aansadeen in ay abuuraan qabiil cusub oo dhulka Somaliland intiisa badan degga oo loo bixiyey "Dirta Waqooyi", dalka intiisa kale kuwii degannaana waxa la yidhi waxaa lagu tirinayaa qabiilka “Darood” ee Somalia dega. Iyadoo xeeladaas la isticimaalayo ayaa dad intooda badani joogaan qurbaha loo gacan-haadiyey si ay uga qaybgelaan shirarka Somalia oo markaas la yidhaahdo Somaliland qayb ayey ka aheyd wixii la go’aansadey. Runtuna waxay tahay dadkaasi cid aan iyaga  naftooda aheyn mey matalin, waxeyna sharciga dalka Somaliland ka yihiin dambiilayaal.

Khariidadda “Roadmap”ka ee Somalia, Dastuurka iyo Dawlada Ogost 2012

20 sanno kadib, iyo Somaliland oo hadana 2010kii si nabadgalyo buuxda ah ku qabatay doorasho madaxweyne oo walibana madaxweynihii jagada hayey ee laga helay si bilaa turxaan ah mucaaridkii ka helay madaxtinimadii ugu wareejiyay (oo ay jiraanna Gole Wakiilo - House of Representatives- oo la soo doortay), waxaa la is odhan lahaa beesha caalamku waqtigan iskama indho tirayaan jiritaanka hay’adahaas habka diimuqraadiga ah ku yimid, heystana awood buuxda oo ay ku  matalaan,  uguna hadlaan dadka Somaliland.  Beesha caalamku wey ogeyd in Somaliland aaney ku dhex jirin wada xaajoodka khiddaddii “Roadmap”-ka ee lagu soo afjarayey xilliyada ku meel gaadhka ah (KMG) ee Somalia, iyo sameynta Dastuurka cusub ee Somalia, oo arrimahaas oo dhan ay ka qaybqaateen oo hagayeen saxeexayaal ahaa Dawladda KMG, gobolada Somalia qaarkood (Puntland, Galmudug iyo Ahlu Suna wal Jamaca - ASWJ) iyo Wakiilka Qaramada Midoobey (QM).

Shirkii London ee Feebarwari 2012, beesha caalamku waxay sidoo kale isku raacday “inay taageerto wadahadalkasta oo Somaliland iyo TFG ama badelkeedu ay isla gartaan inay isla meel dhigaan si ay u bayaamiyaan waxa uu noqonayo  xidhiidhkooda mustaqbalku”; ilaa haddadana waxaba jira dhawr kulan gogol xaadha oo dhex maray Somaliland iyo Somalia.

Nasiibdarose, haddana markale, tubtii loogu samaynaayay Somalia Dastuur cusub iyo xulashadii (doorasho ma jirto sidii markii hore la sadaalinayay) xubnaha golaha sharcidajinta Somalia waxa lagu saleeyay qaacidadii lagu dafiri jiray jiritaanka qaranimada Somaliland iyo in ay jiraan madax matala ummadda reer Soomaliland oo si xor oo xalaala ummaddaasi  u dooratay inay danaheeda matalaan.  Waxaana la soo jiitay dad la yidi waa ka mid qabiilkii la macmalay.  Ahmiyaddan la siiyey xubno qabiil matala waxay keentey ku dhawaaqidda dawlad gobolo been been ah oo dibadaha lagaga dhawaaqay oo xita sheegta carooyin ka mid ah Somaliland iyo Puntland.  Isku-deyga in loo kala daadiyo Qaranka Somaliland gobollo qabaa’ila ma soo celineyso isu-taggii Somaliland iyo Somalia,  waaney saameyneysaa gobolada Somalia sida hadaba ka muuqataa dawladahan yar yar ee meelo badan lagaga dhawaaqey. 

Somaliland waligeedna qayb kama ahayn samayntii dastuurka cusub ee Somalia, ama xulashada xubnaha baarlamaanka cusub ee la leeyahay waxa loo samaynayaa Somalia, amaba dawladda laga dhisayo Xamar.  Aqlabiyad madax dhaqameedada dhabta ah ee Somaliland waxay ku kulmeen Hargeysa iyo Ceerigaaboba halkaas ooy ku cambaareeyeen ganafkana ku dhufteen martiqaadkii loo  fidiyey.  Markaas, dhowr qof oo iyagu iskood isu magacaabay, Xamarna isgeeyay oo dabadeedna magacaabey dad iyana badankoodu ka yimid qurbaha  kama dhigi karaan  in Somaliland ka qayb qaadatay arimahan Somalia, kamana dhigi karto Dastuurka Somalia wax ka socon kara si xalaal oo sharci ah dalka Somaliland.  Guracnaanta waxa Xamar ka socda ee ku waajahan Somaliland waxa ay sii adkaysey  uun ra’yiga ay qabaan dadka Somaliland oo ah Somalia waxa ay wali ku hamiyaysaa in ay Somaliland Muqdishu (Xamar) ka xukunto.  Arrintani waxa ay kaloo shaki weyn gelineysaa mustaqbalka wadahadalladii Somaliland iyo Somalia ee lix bilood ka hor  Shirkii London lagu heshiiyey in ay bilaabmaan. Waxeyna khatar aan horey u jirin gelineysaa xaaladda nabaddeed iyo xasilloonidda aan taamka aheyn ee ka jirta mandaqadda Geeska Afrika haddi dawladda cusub ee Somalia bilowdo faragelinta arrimaha Somaliland.

Horay Somalidu u tidhi god qof aan waxba arkayn ayuun baa labo jeer ku dhaca, waddona waxaa si dhab ah loo bartaa marka hore loogu lumay.  1960kii ayaannu godkaas ku dhacney oo aanu lunnay markii aanu madaxbanaanidayadii laalney, ilaa markaasna wax aanu soo aragnay khasaarihi naga soo gaadhey ee aanu ku weyney xorriyad, maal iyo nafba, gaar ahaan sannadahii 1980yadii. Waligood reer Somaliland godkaas mar danbe ku dhicimaayaan, waaney ilaashan doonaan madaxbanaanidooda.

Waxaanu fariintayadan ku soo koobeynaa sidan:

1.    Dadka reer Somalia: Dalkayagii, Dadkayagii, Dastuurkayagii iyo Dawladdayadiiba waanuo heysanaa, fadlan hagaajista kuwiina.  Aan kuwada noolaano nabad iyo caano inagoo ah laba dal oo qowmiyadda Soomali ah oo jaar ah, si hadda ay yihiin jaarkayaga Jibuuti iyo Deegaanka Somalida Itoobiya.

2.    Dawladda Somaaliya ee soo socota: Ogsoonow in aanad wax madaxnimo  ama awood xalaal oo sharci ah oo aad arimaha Somaliland ku fara galiso lahayn. Waxaan rajaynaynaa in muhimadaadu noqoto inaad nabad iyo dib u dhis ka samayso dalkaaga, Somalia. Wadahadalada la qorsheeyay inay dhex maraan Somaliland iyo Somalia in ay midho dhalaan oo nabad waarta labada wadan u horseedaan iyo inay dhicisoobaan waxay aad ugu xidhan tahay hadba sidaad u aragtaan madax banaanida aan biyo kama dhibcaanka ah ee Somaliland - dafir, oo Geeska halaag u horseed; aqbal oo Geeska iyo Somaliba nabad iyo caano u horseed.

3.    Beesha Calamka: 21 sanno ka hor dadka reer Somaliland waxay qaateen xaqay u lahaayeen in ay aayahooda ka tashadaan oo ay dib ugga noqdeen midowgii ay la galeen Somalia 1960ki. Waxa la joogaa wakhtigii aad xishmayn lahaydeen rabitaanka dadka reer Somaliland iyo waxa ay leeyihiin kuwa ay ummadda reer Somaliland sida xaqa ah ee xalashaha u doorteen inay iyaga matalaan.

4.    Dawlada Somaliland: Waxa ummadda reer Somaliland idiinka fadhidaa in hay’adaha sharci fulintu si aan jixinjix ku jirin sharciga wadanka u horkeenaan muwaadiniinta reer Somaliland ee ku xadgudbey Dastuurka Somaliland iyo Xeerkii 2003 ee ka mamnuucay muwaadiniinta reer Somaliland ka qayb qaadashada shirarka Somalia lagu heshiisiinayo ama dawlado loogu dhisayo, ee sidoo kalena danbiilaha ka dhigayay muwaadin kasta oo si sharcidara ah u maroorsada awoodaha  hay’adaha distooriga keligood leeyihiin.

5.    Dadka reer Somaliland: Midnimadu waa xoog aan la jabin karin. Aynu dhamaanteen hore u marrrino dastuurkeena, xoojinana haya’daheena dimuquraadiyadeed.

6.    Urrurada Bulshada (The Somaliland Civil Society Groups): Digtoonaan iyo feejig u yeesha astaanka qaranimadeenna ee Somaliland iyo jinsayadeena (Somaliland national identity and citizenship)  iyo shuruucda wadanka markaad ka qayba galaysaan shirarka iyo siminaarada dibadda lagu qabto.

URURRADA QURBAJOOGA SOMALILAND EE SOO SAAREY BAYAANKAN:1.   Unugga Daryeelka ka Somaliland.
2.   SIRAG
3.   Somaliland Societies in Europe (SSE)
4.   African Rural Health & Education Trust
5.   West London Somaliland Community
6.    Somaliland Society UK (SSUK)
7.    Somaliland Brain Trust Youth Organization
8.    Somaliland Ambassadors Without Borders
9.    Somaliland Development Organization
10.  Ottawa Somaliland Community Service
11.  Somaliland American Association
12.  East Africa Policy Institute

[Dhamaan urrurada kale ee Qurbajooga Somaliland ee raba in ay Bayaankan Ogost 2012  ayidaan waxaanu ka codsaneynaa in ay si cad u sheegaan, nagala soo xidhiidhaan emeylka hoos ku qoran]
_________________________________________________
Fiiro Gaara:

1.    Kushubashadii badheedhka ahayd ee aftidii 1961kii waxay ku cadahay tiradii codkii “haada” ee la shaaciyay ee ahaa 1. 79 million (90.1 %)  -  waa tiro ka badnayd libinlaab dadkii codeeyay doorashadii 1964kii ee baarlamanka. In kastoo degmooyin badan ee Somalia sheegeen codayn si wayn loo badiyey, tuulada Wanlawayn iyadu waxay sheegtay codayn HAA oo ah 100% waxanay tidhi waxa “haa” u codeeyay 69,000.  Waana halka reer Somaliland dadka Somalia ugu baxsheen "Wala Wayn".

2.    In kastoo beesha caalamku aanay aqoonsan, go'aankii Somaliland 1991 ku qaadatay inay ku baabiiso midowgii ay lagashay Somalia, muu ahayn (sida ay xaqiijisay Maxkamada Caalamiga ahi markay eegaysay arinta Kosovo) mid ka horimanaya sharciga caalamig ah.

3.    Ereybixin:
•    “Somali” – waxa loola jeeda asalka qowmiyaddeed (ethnic origin) ee ay yihiin dadka qowmiyadda Somaaliyeed ee ku nool shanta wadan ee Geeska Africa - Jibuuti, Itoobiya, Somaliland, Somalia iyo Kenya.
•    “Somaliland” – waxa loola jeedaa Jamhuuridda Somaliland oo ahayd muddo gaaban oo 1960kii QARANKA SOMALILAND (State of Somaliland) oo xor ah, ka horna aheyd Maxmiyadda British Somaliland.
•    “Somalilander”- waxa loola jeeda muwaadin reer Somaliland (ama leh astaan qarammeed oo Somaliland – Somaliland national identity/origin).
•    “Somalia” – waxa loola jeedaa Dhulkii Somaliyeed ee Talyaanigu gumaysan jirey, Bayaankanna gudihiisanad waxaa loola jeedaa isla dalkaas intii ka dambeysey 1991kii si loo kalo garto iyada iyo Somaliland.
•    “Dadka Somalia” (Somalians) – waxaa loola jeeda dadka kasoo jeeda Somalia, wadan  ahaan. 
•    “Jamhuuriyadda (Diimoqraadiga ee) Somaliyeed” waxa loola jeedaa dawladii lagu sameeyey isu-taggii Somalia iyo Somaliland ee jirey 1960 ilaa 1991. Kalmadda “Diimoqraadiga waxa lagu darey afganbigii miltariga ahaa ee lagu ridey xukuumadii diimuraadiga aheyd oo dabadeedna la dhisey kalitalis, magcana laga soo xigtey wadamadii Jarmalka Bari, Kuuriyada Waqooyi, Fiitanaamka Waqooyi …

Wixii faahfaahin ah ee ku saabsan Bayaankan, fadlan nagala soo xidhiidh halkan:


somalilandconstitution@gmail.com


No comments:

Post a Comment

Post a Comment