Pages

30 August 2012

(QAAR) URURRADA QURBOJOOGGA SOMALILAND WAR-SAXAAFADEED IYO BAYAANKA OGOST 2012


(QAAR) URURRADA QURBOJOOGGA SOMALILAND
WAR-SAXAAFADEED IYO BAYAANKA OGOST 2012

______________________________________________________

WAR SAXAAFADEED                     TAARIIKH: 27 AUGUST 2012

SOMALILAND: Waxa aanu Leenahay Dastuur iyo Madax aanu Dooranay
Ummadda Jamhuuriyadda madaxa bannaan ee Somaliland waxa ay ka xun tahay in ay dadka Somalia mar kale ku dhex dareen magaca iyo dalka Somaliland arrimahooda in kasta oo ay u caddahay qof kasta in ilaa 1991kii dadka Somaliland ay nabaddooda yagleeleen oo ay samaysteen Dastuur lagu ansixiyey 2001kii afti qaran. Ummadda Somaliland waxa ay rajeynaysaa in dadka Somalia ay helaan nabadda iyo xasilloonida ay ilaa hadda raadinayeen, waxaney ku guubaabineysaa iyaga iyo beesha caalamkuba in ay ku qancaan oo ixitiraamaan go'aanka aan ka noqoshada laheyn ee ay ummadda Somaliland kula soo noqdeen madax-bannaanidooda bishii May sannadkii 199kii.

Somaliland muddo labaatan sannadood ah ayay dhisanaysay hay’ado Dastuuri ah oo ay u hirgelisay si nabad iyo nidaam leh kala wareejin hoggaanka dalkeeda. Kalawareejintaasi waxa ay ku salaysnayd mar walba doorashooyin ay dadka oo dhammi ka qaybgaleen. Waxaa markaa la is odhan lahaa beesha caalamku waqtigan iskama indho tirayaan jiritaanka hay’adahaas habka diimuqraadiga ah ku yimid, heystana awood buuxda oo ay ku matalaan, una hadlaan dadka Somaliland. Beesha caalamku wey ogeyd in Somaliland aaney ku dhex jirin wada xaajoodka khiddaddii “Roadmap”-ka ee lagu soo afjarayey xilliyada ku meel gaadhka ah (KMG) ee Somalia, iyo sameynta Dastuurka cusub ee Somalia, oo arrimahaas oo dhan ay ka qaybqaateen Dawladda KMG, gobolada Somalia qaarkood iyo Wakiilka Qaramada Midoobey (QM).

Nasiibdarro markii la gaadhey ansixiintii Dastuurka Somalia iyo xulista Baarlamaankooda cusub, waxay qolyahaa Somalia mar kale adeegsadeen shirqoolkii la abuurey 2000kii ee lagu dafirayey jiritaanka madaxda la doortey ee Somaliland. Qof u hadlayey ururrada Qurbajooga Somaliland (ee soo saarey Bayaankan) ayaa wuxuu yidhi:

“Aad bey u xuntahay in Somaliland weli loo diido ictiraafka caalimga ah ee ay kasbatay, laakiin waxaaba kaba sii daran been abuurka lagu dafirayo hawlahii dhisidda heykal dawladeed ee Somaliland ee laga soo shaqaynanay 20ka sannadood. Taas oo markaas ummaddii Somaliland laga dhigey intooda badan hal Qabiil cusub aan hore u jirin oo la hindisey, intii kalena lagu darey Qabiil kale oo ka mid ah qabaa’ilka Somalia. Isku-deyga in loo kala qoqobo Qaranka Somaliland gobollo qabaa’il ahi marnaba ma soo celineyso isu-taggii Somaliland iyo Somalia, laakiin waxay keenaysaa oo kaliya iska hor-imaad baaha iyo burbur aan cidna faa’iido ugu jirin!”

Madax Dhaqmeedkii asliga ahaa ee Somaliland, oo gacan weyna ku lahaa hirgelinta nabadda Somaliland iyo dhisidda haykalka dawladeed, dheg umey dhigin markii looga soo gacan-haadiyey Soomalia. Haddaba, u soo jiidashada Muqdishu dad yar oo asal ahaan Somaliland ka so jeeda, hase yeeshee aan cidna matalin aan hungurigooda ahayn, Somaliland marnaba may dhex gelin habkan Khariidada “Roadmap”-ka Somalia, ka ma na dhigeyso Dastuurka Somalia amma dawladdeeda wax ka socon kara carriga Somaliland. Waxa ay sii adkaysey uun ra’yiga ay qabaan dadka Somaliland oo ah in Somalia ay wali ku taamayaan inay Somaliland Muqdishu uun ka xukunto. Arrintani waxa ay kaloo shaki weyn gelineysaa mustaqbalka wadahadalladii Somaliland iyo Somalia ee lix bilood ka hor Shirkii London lagu heshiiyey in ay bilaabmaan. Waxeyna khatar aan horey u jirin gelineysaa xaaladda nabaddeed iyo xasilloonidda aan taamka aheyn ee ka jirta mandaqadda Geeska Afrika haddii dawladda cusub ee Somalia bilowdo khal-khal galinta arrimaha Somaliland.

Waxa la yidhi god qof aan waxba arkayn ayuun baa labo jeer ku dhaca; waddona waxaa si dhab ah loo bartaa uun marka hore loogu lumay. 1960kii ayaannu god ku dhacney oo aannu lunnay markii aannu madaxbanaanidayadii laalney, ilaa markaasna wax aannaan weli ka soo kaban khasaarihii naga soo gaadhey ee aannu ku weyney xorriyad, naf iyo maalba, gaar ahaan sannadahii 1980yadii. Haddaba, Somalia waxa aannu leennahay “Dastuurkiina iyo Dawladdiinu wax ha idiin tareen; annaggu Dastuurkayaga iyo Dawladayada weligeen mar kale luminmeyno”.

URURRADA QURBAJOOGA SOMALILAND EE SOO SAAREY BAYAANKAN:

1. Unugga Daryeelka Dastuurka Somaliland.
2. SIRAG
3. Somaliland Societies in Europe (SSE)
4. African Rural Health & Education Trust
5. West London Somaliland Community
6. Somaliland Society UK (SSUK)
7. Somaliland Brain Trust Youth Organization
8. Somaliland Ambassadors Without Borders
9. Somaliland Development Organization
10. Ottawa Somaliland Community Service
11. Somaliland American Association
12. East Africa Policy Institute

________________________________________________

LIFAAQ:

Waxaa halkan ku lifaaqan BAYAANKA OGOST 2012 oo ay soo saareen Ururrada Qurbajooga Somaliland ee kor ku qoran

Wixii faafaahin ah ama macluumaad ku saabsan Warsaxaafadeedkan iyo Bayaanka, fadlan nagala soo xidhiidh halkan:

somalilandconstitution@gmail.com


No comments:

Post a Comment